Khudbad jeedintii Musharixiinta u taagan kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo la filayey inay Berri oo Isniin ah dhacdo ayaa dib u dhac ku yimid, sida uu goor dhoweyd shaaciyey Guddiga Doorashada Somaliland.
War uu soo saaray Guddiga ayaa lagu yiri: “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheeegi doonaa wakhtiga..”
Warkan ayaa soo baxay saacado kooban kadib markii uu Guddiga SEIT ee Somaliland bixiyey ogeysiis ku saabsan inay Berri bilaabaneyso hadal jeedintii Musharixiinta. “Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27-09-2021(Isniin) ay bilaaman doonto hadal jeedintii musharixiinta. Goobta: Xerada AfisiyooneSaacada: 8:00 Am, subaxnimo”
Arrintanayaa ku soo beegantay iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in qaar ka mida odayaasha Gobollada Waqooyi looga yeeray Madaxtooyada Soomaaliya, ayna kulan la yeesheen madaxweynaha waqtiigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo loo arkay faragelin.
