Qodobkii ugu horeeyay ee Heshiiska labaad ee Doorashada Soomaaliya, laguna saxiixay Muqdisho 27-kii Bishii May 2021 ayaa dib u dhac ku yimid fulintiisa.
Qodobkan oo ku saabsan xalinta khilaafka ka yimid Guddiyada Maamulka Doorashada ayaa waxaa ku caddeyd heshiiska in muddo 3 maalmood ah lagu soo gudbiyo xubnaha guddiyada Doorashada ee tabashada laga qabo, kadiba Guddi uu u saaro Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay muddo laba maalmood ugu gudbiyaan ciddii soo magacawday si ay u keenaan bedelkeeda, laguna shaaciyo muddo 2 maalmood ah.
AKHRISO QODOBKA KOOWAAD EE HESHIISKA
Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka
Goluhu wuxuu go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.
Shantii maalmood ee loo qabtay fulinta Qodobkan ayaa ku ekaa 31-kii May, laaikin waxaa shalay saxaafadda la hadlay Guddigii uu Ra’iisal wasaaraha u saaray arrintan iyagoo warbaahinta ku shaaciyey xubnihii cabashada laga qabay oo gaarayey 67, iyadoo heshiisku ahaa inay kaliya u gudbiyaan ciddii markii hore soo magacaabay.
Waxaa la filayaa in ugu yaraan toddobaad kale ay qaadato xalinta arrintan, iyadoo 2 bilood ee loo qabtay inay Doorashadu ku dhacdo ay u muuqato inay aad uga badan doonto mudadda loo baahan yahay, waxaana la saadaalinayaa 4- 6 bilood ah.
