Thursday, June 26, 2025

Dib u dhaca Caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha

Xafladda caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee mar kale la doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inay 9-ka bishan June ka dhacdo Muqdisho ayaa qaadatay waqti ka dheer intii la filayey, iyadoo saameyn ku yeelatay magacaabidda Ra’iisal waraaraha cusub.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Guddiga qabanqabaada caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ay dib ugu dhigeen xafladda arrimo farsamo, balse uu jiray rabitaan ah in Xasan Sheekh uu doonayey dib u dhigista magacaabidda Ra’iisal wasaaraha.

Khamiista 9-ka Bishan June waxay ku beegan tahay maalint 24-aad ee markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh, taasoo ka dhigan inay u hartay 6 maalmood oo u qura si uu usoo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub.

Magacaabidda Ra’iisal wasaaraha ayaa ah arrinta ugu adag ee hortaalla Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh, isagoo xukunkiisii hore ee 2012-2017 uu magacaabay saddex Ra’iisal wasaare oo laba ka mida ay khilaaf ku kala tagen.

Ilaa saddex magac ayaa lagu hadal hayaa Baraha bulshada in loo magacaabi doono Ra’iisal wasaare, waxaana jira heshiis hordhac ah oo Xasan Sheekh la galay Madaxweynaha Puntland intii ay socotay Doorashada, taasoo la ogaan doono in la tixgeliyo iyo in kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON