Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay balaarinta iyo horumarinta lagu Dekedda magaalada Boosaaso oo sanadi badan dib u dhacday.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Dekedda Boosaaso la balaarin-doonaa ilaa 450m, iyadoo 150m ee ugu horeeyay hadda la billaabayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in hoos-u-qodka Badda la gaarsiiyo 11m.
Waxaa balaarinta Dekadda Boosaaso fulineysa Shirkadda DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna, iyadoo uu munaasabadda joogay oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP World.
Madaxweynihii hore Puntland C/weli Gaas ayaa April 2017 Shirkadda DP World la saxiixday heshiis 30 sano soconaya oo lagu wareejiyau dekadda Boosaaso si ay ballanqaaday maalgelin lagu ballaarinayo dekadda, taasoo aan marba suuragalin, heshiiska ayaana wax badan laga ogeyn oo xilligan soo gaaray.
Mar kale waxaa heshiis kale shirkadda la saxiixday April 2019 madaxweynaha Puntland Siciid C/llaah Deni, kaasoo lagu sheegay in la dedejinayo dib u dhiska dekadda Boosaaso, taasoo aan haddana suuragein, wuxuuna Siciid Deni marar badan isaga daba laabtay dlaka Imaaraadka oo safarrada qaarkood uu ku qaatay muddo ku dhow Bil.
