Tuesday, July 1, 2025

Diblomaasi Turki ah oo ku baaqay in laga hortagto Keli-taliye iyo Dagaal sokeeye oo ka dhaca Somaliya

Diblomaasi Turki ah oo Safiir uga noqday Soomaaliya sanadihii 2011 ilaa 2014 Mr. Cemalettin Kani Torun ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay ku baraarugayaan hadallada uu jeediyey Madaxweynaha Puntalnd.

Diblomaasiga ayaa qoraal uu dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in Beesha Caalamka looga fadhiyo in digniinta Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ay u qaataan si adag, ayna ka hortagaan in Somaaliya ku dhacdo dagaal iyo keli-talis kale oo uu horseedo Madaxweynaha waqtiga xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Afrika uma baahna kelialis kale ama dagaal sokeeye oo dhiig ku daato. Beesha Caalamka waa inay si degdeg ah tallaabo u qaadaa inta aysan xaaladu gaarin meel aan waxba laga qaban karin..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya. Cemalettin Kani Torun.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON