Monday, July 7, 2025

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho & Ciidamada Amniga oo howlgal ka sameeyay xaafado ka…

Ciidamada Booliska ee caasimadda Muqdisho ayaa xalay howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Xamar-jajab.

Baaritaankan ayaa lagu soo qabqabtay dhalinyaro fara badan oo laga soo ururiyey xaafadahaasi, iyadoo la isug geeyay xaafada Baar Ha- i-dhaafin  iyo agagaarka buundooyinka, waxaana la arkayey iyagoo indhaha ka xiran oo su’aalo la weydiinayo.

Qaar ka mida dadkii la qabtay ayaa la sii daayey, iyadoo qaar kale ay ciidamadu u kaxeysteen baaritaan dheeraad ah, wuxuuna howlgalkani ka danbeeyay dil shalay ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Waaberi oo lagu dilay macallin dugsi quraan.

Dhinaca kale koox hubeysan ayaa xalay qof shacab ah ku dishay degmada Boodheere ee magaalada Muqdisho, wuuxuna dilkaasi ka dhacay Xaafada Maanaboolyo.

Qofka la dilay ayaa lagu sheegay inuu ka mid ahaa ganacsatada Qaadka iibisa oo lagu magacaabi jiray Gaduudow, dableyda dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON