Monday, July 14, 2025

Dilal kala duwan oo ka dhacay Muqdisho & Weerar lagu qaaday Gaariga Shaqaale ka tirsan Baarlamaanka

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay agagaarka shaqaalaha ee degmada Waaberi ku dileen qof ka mida shaqaalaha Baarlamaanka.

Weerarkan ayaa ka duwanaa kuwii hore ee lagu khaarijin jiray dadka, iyadoo dabley Bistoolado ku hubeysan ay rasaas ooda uga qaadeen Gaari ay la socdeen 4 qof oo markaasi marayay Waaxda Horseed ee degmada Waaberi, waxaana halkaasi ku dhintay Cumar Dalxa Maxamuud oo ka mid ahaa shaqaalaha Golaha Shacabka qeybta Khasnajiga.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi uu ku dhaawacmayhalka uu ku dhaawacmay qof kale oo magaciisa lagu sheegay Cali C/laahi Cabdi oo ilaa hadda aan la shaacin fahfaahintiisa. Waxaa weerarka ka badbaaday haweeney iyo Darawalkii gaariga.

Dhinaca weerar kale ayaa maqribnimadi Caawa ka dhacay Isgoyska Maanabolyo ee degmada Shibis, iyadoo halkaasi lagu dilay askari ka mida Ciidanka ilaalada wadooyinka ee taraafikada. Waxaa kaloo isla rasaasta ku dhaawacmay haweeney Qaadka ka ganacsada.

Dilalka qorsheysan ayaa si weyn ugu soo kordhay magaalada Muqdisho bishan Ramadaan, iyadoo falalka khaarijinta ay noqdeen maalinle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON