Saturday, July 5, 2025

Dilalkii ugu badnaa ee Khaarijin ah oo ka socda Muqdisho iyo Nabaddoon caawa lagu dilay

Waxaa si weyn u kordhay dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, kadib xaalado amni darro oo laga digay inay ka fulin karto Alshabaab.

24-kii saac ee ugu danbeeyay waxa caasimadda ka dhacay falalkii ugu badnaa dilal khaarijin ah, wxaana ugu danbeeyay nabaddoon si weyn loo yaqaan oo ay toogteen dabley Bistoolado ku hubeysnaa.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cali Aybakar, wuxuuna ka mid ahaa odayaasha ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho. Kooxda dilka geysatay ayaa baxsatay.

War kasoo baxay Alshabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda dilka nabaddoonka, iyadoo ku eedeeyay inuu Odayaasha abaabulay maleeshiyada dagaalka kula jirta Alshabaab ee Gobolka Sh/Dhexe.

Galabta ayey ahayd markii laba Nin oo gaadiidley ah lagu dilay isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho, sidoo kale xalay iyo saaka ayaa Sheekh caan ah iyo Jeneraal lagu dilay Muqdisho, waxaana dilkooda sheegtay Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON