Saturday, July 5, 2025

Diyaargarow si weyn loogu soo dhoweynayo Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo ka socda Kismaayo [Sawirro]

Waxaa magaalada Kismaayo ka socda diyaar garow weyn oo lagu soo dhoweynayo wafdiga Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo la filayo inay goor dhow ka degaan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Dadweyne fara badan oo ay ka mid yihiin arday ayaa la isugu keenay garoonka diyaaradaha magaalada oo ay ku sugan yihiin madaxda Jubbaland, waxaana ka dhex muuqda Axmed Madoobe oo tan iyo markii doorashadii muranka dhalisay ee Jubbaland dib loogu doortay tegaya garoonka magaalada Kismaayo.

Waxaa la xoojiyey amiga magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamo badan la dhigay wadooyinka magaalada, waxaana Madaxweynaha Puntland uu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul Goboleedyada dalka ee ka qeyb galaya caleemo saarka Axmed Madoobe.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa ka mida mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo xildhibaanno uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Senator C/raxmaan Faroole.

Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay si aan la shaacin u qaaday xayiraadii la saaray siyaasiyiinta iyo madaxda dooneysa inay ka qeyb gasho munaasabadda caleemo saarka Axmed Madoobe.

Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor
Image may contain: 3 people, outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor
Image may contain: 1 person, standing, cloud, sky, crowd and outdoor
Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON