Thursday, June 26, 2025

Diyaargarowga Shirka London oo hareeyay howlihii dowladda Federaalka ee Muqdisho

Howlihii dowladda Federaalka ayaa isu bedelay diyaar garow shirka London ee arrimaha Soomaaliya ee 11-ka May dhacaya.

Shir kale ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galayaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ah, dowla goboleedka, bulshada rayidka ah iyo wakiilada beesha caalamka.

Waa shirkii saddexaad ee Muqdisho ka dhaca iyadoo hore loogu qabtay shirar kale, waxaana la sheegay in la is waafajinayo qorshaha dowladda  Soomaaliya iyo kan beesha caalamka ay la tegi doonaan shirka London.

Arrimaha laga doodayo waxaa ka mida: Qorshaha Ammaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo xal u helidda abaaraha. Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa hore uga shiray arrintan oo isla meel dhigay qorshe ay u dhan yihin.

Waxaaa socda xusul duubkii ugu weynee wafdiga dowladda iyo kuwa maamulada ee tegaya London, iyadoo Soomaalida shirka ka qeybgaleysa la sheegay inay ka badan yihiin 100 xubnood oo ka socda dowladda iyo maamulada, waxaana wehliya qurbe joog iyo ganacsato ka qeyb gelaya shirka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON