Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa war kasoo saaray dilkii saxafiga sacuudiga Jamal Kashoqgi ee lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Qoraal Caawa kasoo baxay Aqalka Cad ayaa madaxweyne Trump wuxuu ku sheegay in kadib markii baaritaan dheer oo u gaara Mareykanka lagu sameeyay kiiska dilka Jamal Kashoqgi lagu ogaaday in dhaxal -sugaha dalka Sacuudiga Mohamed Bin Salmaan uu ogaa dilkii saxafiga.
Trump oo xiriir dhow oo mid qoys iyo saaxiib la ah dhaxal sugaha da’da yar ee Mohamed Bin Salmaan uu la war qabay dilka loo geystay weriyaha oo ay dileen koox Sacuudiyaan ah oo ka tirsan sirdoonka iyo amniga Sacuudiga, ayna suuragal tahay inuusan ogeyn.
Madaxweyne Trump oo culeys weyn ka saaran yahay koongareeska Mareykanka ayaa mowqifyo kala duwan hore uga qaatay arrintan, wuxuuna ku adkeysatay heshiisyada dhaqaale ee kala dhaxeeya Sacuudiga.
CIA-da Mareykanka ayaa weli sii wada baaritaankeeda kiiskan, iyadoo hore u sheegtay in dhaxal-sugaha Sacuudiga uu bixiyey amarka lagu dilay saxafiga Jamal Kashoqgi.