Thursday, July 17, 2025

Donald Trump oo ku hanjabay tallaabo uu ka qaadayo Suuriya & Ruushka oo u digay

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballanqaaday inuu jawaab culus ka bixin doono weerarkii Kiimikada loo adeegsaday ee ka dhacay magaalad Duuma ee dalka Suuriya.Trump ayaa ku goodiyay inuu awood u adeegsan doono marka uu jawaabta ka bixinayo weerarka kiimikada ah ee la sheegay in uu ka dhacay dalka Suuriya, iyada oo reer galbeedku ay ka baaraan dagayaan jawaabta ay ka bixin lahaayeen arrintaas.

“Waxaan noo bannaan qaabab badan oo milatari,” ayuu ku yiri Trump oo saxafiyiinta la hadlaya, wuxuuna intaas ku daray in ay go’aansan doonaan “wax yar ka dib”.

Trump wuxuu sheegay in Maraykanku “sawir wanaagsan” ka helayo cidda ka dambaysay dhacdadii Douma ee Sabtidii.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in ay tobannaan ruux ku dhinteen weerarkaas lagu eedeeyay in kiimikada loo adeegsaday, balse ay u muuqato in aysan macquul ahayn in laxqiijiyo.

Trump ayaa sidoo kale arrintan kala hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ammin dambe oo Isniintii ah, labada masuulna waxay muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin in tallaabo “adag qaadaan”.

Ra’iisulwasaaraha UK, Theresa May ayaa sheegtay in ay “si buuxda u cambaaraynayso” falkaas “waxshinimada ah” ee lagu eedeeyay in kiimikada loo adeegsaday, waxayna ku baaqday in arrintaas loo qabsado dadka Bashaar Al-Asad taageera.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON