Wasiirkii Gaashaandhigga xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa noqday Senatoor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kadib doorasho goor dhoweyd ka dhacay magaalada Baydhaba.
Kursigii ugu horeeyay ee ka mida saddexda kursi ee Aqalka Sare oo maanta lagu dooranayo magaalada Baydhaba ayaa lagu dhawaaqay natiijada, waxaana ku tartamay Wasiir Xasan Xuseen Xaaji iyo Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi.
Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku guuleystay doorashada isagoo helay 74 cod, halka musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 cod.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Kursiga koowaad oo uu ku guuleystay Xasan Xuseen Xaaji oo ka mida taageerayaasha madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo.
Laba kursi oo kale ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Baydhaba, iyadoo maamulkaasi soo gabgabeyn doono doorashada 8-da senatoor ee K/Galbeed laga soo doorto.
