Maamul Goboleedyadii ugu horeeyay ayaa lagu wadaa inay bilaabaan doorashada kuraasta Golaha shacabka, kadib dib u dhac weyn oo ku yimid Doorashada dowladda Soomaaliya.
Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inuu qabto doorashada ilaa saddex kursi, waxaana dhinac kale lagu wadaa in Maamulka K/Galbeed uu noqdo maamulka labaad ee qaban doona doorashada Golaha shacabka.
Qaabka doorashada Golaha ku bilaabay si gaabis ah oo la mida Doorashadii Aqalka sare ee qaadatay muddo 4 bilood ah, waxaana kaliya hadda la doortay laba kursi oo ka mida kuraasta Golaha shacabka, kuwaasoo doorashadoodu ka dhacday magaalada Muqdisho.
Diyaargarow loogu jiro doorashada Golaha shacabka ayaa ka socota magaalooyinka Jowhar iyo Baydhaba, waxaana cadaadis xoog leh madaxda maamul Goboleedyada ku haya beesha caalamka, iyadoo laga doonayo inay doorashada soo afjaraan ka hor sanadka cusub ee 2022.
