Maamulka Hirshabelle ayaa waqtigiisu gabogabo yahay, iyadoo aysan muuqan doorasho xilligeeda ku dhici doonta oo maamulkaasi aadayo markii uu shalay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ka hor yimid jadwalka Doorashada ee ay soo saareen Guddigii Farsamada ee uu magacaabay.
73 xildhibaan oo ka mida Baarlamaankii koowaad ee Hirshabelle ayaa magaalad Jowhar lagu dhaariyey 9-kii Oktoobar 2016, waxaana madaxweynihii koowaad ee maamulkaasi ay doorteen 17-kii Oktoobar 2016 oo ay saddex toddobaad ka yar hadda naga xigto, iyadoo uu khilaaf ka taagan yahay madaxda sare ee xilkoodu dhammaanayo iyo beelaha dhisay maamulkaasi.
Waxgarad iyo siyaasiyiin badan ayaa soo jeediyey in Maamulka hadda jira muddo sanad ah loogu daro si looga badbaado inay mar waliba isku beegmaan doorashada Federaalka iyo tan Hirshabelle, kadibna maamulkaasi uu noqdo mid boobsiis iyo khilaaf lagu dhiso, laakiin arrintaasi waxaa ka hor yimid Madaxtooyada Soomaaliya oo dano siyaasadeed ka leh.
Maxamed Cabdi Waare ma ha musharax, balse wuxuuna heshiis siyaasadeed la galay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wakiilkiisa Doorashooyinka Hirshabeelle ee Fahad Yaasiin, isagoo isu bedelay mas’uul daciif ah oo dallaalnimo ka doortay badbaadinta Maamulka uu saddexda sano jidka u bixin waayey.
Waare wuxuu si degdeg u magacaabay Guddi farsamo oo soo xula xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, xilli ay doorashadu ka harsan tahay wax ka yar Bil, laakiin maalmo kadib ayuu ka daba tegay, kana hor yimid inay Doorasho qabtan; markii ay soo saareen jadwalka doorashada (Akhriso), isagoo ka doonaya shaqo 4 sano lagu qaban waayey.
Mushkilada ugu weyn ee Hirsahabeelle heysata xilligan ayaa ah in Madaxtooyada Soomaaliya aysan kaliya dooneynin Doorasho xilligeeda ku dhacda, balse ay wadato inay madaxweyne ka dhigto Cali C/llaahi Guudlaawe, taasoo xaaladda dib ugu soo celisay muran awood qeybsi Beeleed iyo xiisad siyaasadeed oo sanadkii 2016 la daboolay.
Damaca Guudlaawe oo kaliya ku kooban inuu xilka ugu sareeya ee Hirsahbeelle qabto iyo Danta Villa Somalia oo aan ka badneyn inuu Guudlaawe usoo saaro xildhibaanada Federaalka ee Jowhar lagu dooranayo waxay xaaladda Hirshabeelle dhex dhigeen xaalad siyaasadeed oo kala guur.

Madaxweyne Waare oo laga yaabo inuu cadaadis saarayo Villa Somalia si loogu fuliyo balanqaadkii loo sameeyay xilli kasta ayuu is bedeli karaa, laakiin Hirshabeelle oo 4 sano uga dhammaatay waxqabad la’aan waxay mar kale u muuqataa inay qarka u saaan tahay burbur ay qeyb ka tahay Madaxtooda Soomaaliya.
Siyaasiyiinta kasoo jeeda Hirshabeelle ayaa ka badin waayey inay kala taageeraan musharixiin aan la ogeyn halka ay xukumi doonaan iyo difaacidda kursi Beel loo gaar yeelo, halka Odayaasha iyo duubabka labada Gobol aysan xiriir fiican lahayn, lamana oga cidda soo farageln doonta ee la sugayo.
WARBIXINTA GOOBJOOGE