Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) ayaa shaaciyey in dib loo bilaabay doorashada kuraas la hakiyey oo taalla magaalada Beledweyne, kadib xiisad ka dhalatay hannaanka Doorashada.
Guddiga ayaa shaaciyey inuu isla maanta shahaadada Murashaxnimo gudoonsiiyay Murashaxiinta ku tartamaya kursiga HOP#030 ee Beesha Gaaljecel oo uu ku fadhiyey xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.
Kursigan waxaa mar kale loo xiray oo kusoo laabanaya Daahir Amiin Jeesow, iyadoo uu keensaday musharax malxiis u ah oo lagu magacaabo Cali Cabdullahi Xeefow oo iska shahaadda Musharaxnimo la guddoonsiiyey.
Waxaa kaloo shahaadda musharaxnimo qaatay musharixiinta kuraasta HOP030 iyo HOP066 oo maanta laga heshiiyey khilaaf ka taagnaa hannaanka loo marayo Doorashadooda.
Doorashada xulashada ah ee Kursiga HOP030 ayaa Berri 10-ka Maarso 20202 la filayaa inay ka qabsoonto magaalada Beledweyne.
