Sunday, June 22, 2025

Dowlada Somaliya oo war Cad kasoo saartay Buuraha Golan ee Israa’iil heysato [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa War Cad kasoo saartay mowqifkeeda ku saabsan dhulka Buuraha Golan Heights ee Israa’iil heysato.

Qoraal degdeg oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya ee dhulka Buuraha Golan uu yahay mid aan isbedelin, dhulkaasi uu leeyahay dalka Suuriya, iyadoo sharci darro ay ku heysato Israa’iil sida ku cad go’aanadii Golaha Ammaanka iyo Qaramada Midoobay.

“Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa go’aan kasta oo Israa’iil siinaya lahaanshaha dhulkaasi inuu yahay mid waxba kama jiraan ah oo sharci darro ah marka loo eego sharciyadda adduunka iyo cahdiga Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri qoraalka Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ad

Go’ankan ayaa ka danbeeyay markii uu xalay madaxweynaha Mareykanka u saxiixay Israa’iil inay leedahay dhulkaasi iyo maalmo kadib markii safiiradda Soomaaliya ee Geneva ay ka aamustay qaraar lagu cambaareynayey gardarrada Isra’el ee heysashada Buuraha Golan, taasoo keentay in Muqdisho looga yeero.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON