Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya lacag dhan 300 Milyan oo Doolar.
Heshiiska oo ah mid horumarineed dowladda Mareykanka ay ku maalgelineyso mashaariic kala duwan ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirada Qorsheynta iyo Maaliyadda iyadoo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Waa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah ee dowladda Mareykanka ay heshiis toos ah oo horumarineed la gasho dowladda Soomaaliya iyadoo wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ay si toos ah ula ansixin doonto wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka heshiisyada iyo mashaariicda.
SAWIRRO