Monday, July 21, 2025

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo si isku mida usoo dhoweeyay Heshiiska Sacuudiga iyo Qatar

Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay heshiiska ay gaareen dalalka Sacuudiga iyo Qatar ee keenay inay ku dhawaaqaan inay isu fureen xuduudaha Dhulka, Cirka iyo Badda, kadib in ka badan saddex sano oo xiriirkoodu xumaa.

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u soo dhoweysatay tallaabada lagu dhammeeyay khilaafka labada dal. Wasaaadda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in tallaabdan ay tahay mid muhiim ah oo hore loogu qaaday khilaafka soo socday ilaa sanadkii 2017.

Waxaa warka lagu bogaadiyey dadaalka dhexdhexaadinta ee dalka Kuwait ka qaaday iyo dalalka kale ee arrintan ka qeyb qaatay. Turkiga ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay rajo ka qabto heshiis joogto ah oo waar in loo helo oo dhammaan la qaadir xayiraadda kale ee dalka Qatar lagu soo rogay.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa dhowaysay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo dowladda Qatar, sida lagu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soocelinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah iyo guud ahaan dalalka Khaliijka.” Ayaa lagu yiri  Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in  mar walba  ay ka go’antahay  xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah.

Warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya yaa ku soo beegmay saacado, kadib markii dalalka Sacuudi Carabiya iyo Qatar ku heshiiyeen in ay dib u furan xuduudkooda dhulka Badda iyo Hawada, kadib markii ay ka heshiiyeen khilaafkoodi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON