Thursday, June 26, 2025

Dowladda Federalka oo Amar kusoo rogtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho & Musharax lagu fuliyey…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Amar kusoo rogtay musharixiinta kasoo degaya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo amarkaasi maanta lagu fuliyey musharixii ugu horeeyay.

Hay’adaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa xayiraad kusoo rogay dadka soo dhoweynta u tegaya Garoonka inay gudaha u galaan, waxaana dadka laga mamnuucay Garoonka inay galaan Dadweynaha ay ka mid yihiin kooxaha fanka, Barbaarta Gaashaaman iyo dadweynaha kale oo hore loogu ogolaa.

Musharaxa cusub ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Xabiib Yaasiin Warsame oo maanta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa lagu fuliyey amarkan, iyadoo dadkii soo dhoweyn lahaa loo diiday Garoonka, taasoo keenay inay ku sugaan bannaanka garoonka.

“Waxaan ognahay inay jireen jallaafooyin, jidgooyo iyo in la diiday inaad gudaha usoo gashaan Garoonka si aad ii soo dhoweysaan.. waan ka xumahay inay sidaasi u dhacdo… dadka mas’uulka ka ah arrintan marka waqtigeeda yimaado ayey ka jawaabi doonaan..” ayuu yiri Mushrax Cabdi Xabiib Yaasiin oo ugu baaqay Madaxa Dowladda Federaalka inay ka waantoobaan daandaansiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON