Dowladda Imaaradka Carabta ayaa go’aan culus ka qaadatay taageeradii milateri ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya iyo tababarkii ciidamada Milateriga Soomaaliya.
War ay baahisay Wakaalada Wararka Imaaraadka ayaa lagu sheegay caawa inay go’aansatay joojinta howshii tababarka ciidamada Soomaaliya si loo dhiso ciidamo Soomaaliyeed oo bilaabatay sanadkii 2014.
Go’aanka Dowladda Imaaraadka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii diyaarad ay leedahay dowladda Imaaradka lagu xayiray garoonka Muqdisho, iyadoo ay la socdeen ciidamo Imaaraad ah iyo lacag loo waday taageerada ciidamada Soomaaliya oo lala wareegay.
Qoraalka dowladda Imaaraadka ayaa faafhaahin ka bixiyey xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxaana lagu caddeyay inuu xiriirkaasi ku dhisnaa is ixtiraam, iyadoo dowladda Imaaraadka ay fulisay tababarro ay siisay kumanaan ciidamo ah iyo dhismaha saddex xarun iyo isbitaal.
Imaaraadka ayaa sheegay inay mushaar siin jireen ciidamo gaaraya 2407 askari, waxayna si weyn u cambaareysay qaabka loola dhaqmay falkii ka dhacay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kaasoo kasoo horjeeda han dhaqanka dowladnimo, diblomaasiyadda iyo heshiiska labada dal.