Saturday, June 28, 2025

Dowladda Ingiriiska oo Farriin hor leh u dirtay Madaxda ee ku shirsan Xarunta Afisyoone

Dowladda Ingiriska ayaa madaxda Soomaalida ee ku shirsan Xarunta Afisyoone ugu yeertay inay la yimaadeen debecsanaan wax dhiseysa iyo xal laga gaaro xaaladda Doorashada.

Farriin ay diray Safiiradda UK ee Soomaaliya Kate Foster ayey ku sheegtay in UK soo dhoweyneyso wadahallada gogolxaarka ah ee dhowaan dhex maray madaxda doladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ka dhacay Muqdisho.

“UK waxay soo dhoweyneysaa wadahadalladii kalsooni abuurka ahaa ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada iyo sida hoggaamiyeyaasha ugu go’an tahay inay wadahadalka sii wadaan Berri” ayaa lagu yiri fariin SafiirkaUK ee Soomaaliya.

Waxaa fariiinta lagu soo gabagabeeyay: “Waxaan ku dhiirigleynaa dhammaan dhinacyada inay inay wax ku dhisaan xaaladdaasi wanaagsan, ayna diiradda saaraan debecsanaan xalalka wax dhisaya”.

Baaq kan la mida ayaa isla maanta kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kadib markii uu maanta hakad galay shirkii Afisyoone.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON