Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Ingiriiska oo kashifay Cabsida Amni ee ka jirta Somalia & Digniin ku socota Muwaadiniinteeda [Akhriso]

Waaxda Arimaha dibadda dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ku socota muwaaddiniinteeda oo loogu sheegay inay u safrin Soomaaliya.

Qoraalka Xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in muwaaddiniinta UK ee aysan u safrin Soomaaliya iyadoo la sheegay inay jiraan xaalado amni iyo suuragalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca magaalooyinka Soomaaliya, taasoo halis weyn ku ah dadka UK oo la beegsan karo, iyadoo sidoo kale ay jirto baqdin afduub.

Qoraalka ayaa xusay dadka UK kasoo jeeda ee ku sugan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera inay feejignaadaan, kana fogaadaan goobaha ay dadka isaga yimaadaan.  Iyadoo lagu xusay in shaqaalaha ajannabiga ah ee la shaqeeya Hay’adaha ajannabiga ah ee gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay la kulmayaan hanjabaadyo afduub iyo dil isugu jira.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in kooxaha argagixisada ay doonayaan in ay isku dayaan in ay Soomaaliya ka geystaan weerarro. Waxaa kale oo ay dowladda Britain sheegtay in ay Soomaaliya ka jirto khatar heerkeedu sarreeyo oo la xiriirta danbiyo dhinaca afduubka ah.

Digniinta ka soo baxday xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho aysan wax caawinaad ah siin karin muwaadiniinta UK ee dhibaatooyinka soo wajahaan, loona baahan yahay inay la xiriiraan Safaaradda UK.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON