Kadib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada xukuumadda Itoobiya ayaa lagu dhawaaqay xaalad degdega oo lagu soo rogay dalkaasi, taasoo ka dhalatay dagaalka ka socda iyo sida Jabhadda TPLF ugu dhowaaneyso Caasimadda Addis Aabba.
Golaha Wasiirrada Itoobiya ayaa gaaray go’aan ah in xaaladda degdeg ahlagu soo rogo dalka Itoobiya oo dhan, si looga hortago in dadka Itoobiyaanka ah la colaad iyowaxyeello kala kulmaan kooxda TPLF.
Xaaladda degdegga ah waxay dhaqan galaysaa laga bilaabo maanta, waxaana lagu wadaa in Baarlamaanka Federaalka Itoobiya uu ansixiyo muddo 48 saacad gudahood ah.
Wasiirka Cadaalada Itoobiya Gedion Timoteos ayaa ku dhawaaqay go’aanka xukuumadda Itoobiya, waxaana ay Itoobiya sii galeysaa qalalaase, kadib markii jabhadda Tigray ay qabsatay magaalooyin ka tirsan Gobolka Amxaarada oo in ka yar 350 KM u jira magaalada Addis Ababa.
