Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee heer federaal ayaa hakiyay Natiijada rasmiga ah ee kursiga Golaha shcabka e HOP239, kasoo uu shalay kusoo baxay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Guuleed Maxamed Guuleed.
Qoraal uu soo saaray Guddiga Xalinta Khilaafadka ee Doorashada ayaa lagu sheegay inay qabteen dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisgaas ku fadhiyay, waxaana la faray Guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2 November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas.
Guddiga ayaa go’aankiisa kusoo saari doonaa muddo 7 maalmood ah, kadib marka uu dhageysto labada dhinac ee dacwadu ka dhaceyso, waxayna arrintan dib u dhigeysaa in si rasmi ah loo sharciyeeyo kursigaasi.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA
Ujeedo: Ogaysiin Hakin Ku dhawaaqista Natiiijada Rasmiga ah ee Kursi Lumber HOP#239;
Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay 1-dii Oktoober 2020, waxuu ku wargalinaysaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in dacwad laga keenay Kursi Lumber HOP#239. Soo dacwoode: Murashax: Xuseen Carab Ciise.
Haddaba Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021 Asagoo Gudanaaya Waajibaadkiisa Shaqo ee loo igmadey wuxuu farayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in la hakiyo Ku dhawaagista Natijada Rasmiga ah ee Kursi Lumber HOP#239 laga bilaabo 02/11/2021 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gubdiyay kursigaas.
GXKHDD wuxuu baarintaanka cadaymaha, dhagaysiga dhinacyada ay khusayso dacwadu, iyo ga’aan ka gaarista dacwada ku dhamaystiri doonaa muddo todobo (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa 02/11/2021 Waxayna go’aanka ugu gudbindoonaan soo dacwoodaha iyo dhamaan dhinacyada ay Khuseyso muddo afar iyo labaatan saacadood (24) gudahood ah oo ka bilaabanaya marka go’aanka la gaaro. Ugu dambayn, GXKHDD waxuu farayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Somaliland in ay si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ce dacwadan gacanta ku haya isla markaana dhawraan waqtiyada dhagaysiga dacwada ee lagu qeexey habraacyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.
