Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Jabuuti oo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya u amaantay xayiraaddii laga qaaday dalka Eritrea [Sawirro]

Waxaa maanta magaalada Adis ababa kulan ku yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka wadahadaly xiriirka labada dal iyo xaaladda Geeska Afrika.

Dowladda Jabuuti ayaa si weyn ugu amaantay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed isbedelada uu ka wado Geeska Afrika, waxayna mahadcelin u dirtay dhinacyadii ka qeyb qaatay in xayiraadda laga qaado dalka Eritre oo Jabuuti ay soo dhoweysay.

Arrintan ayaa timid markii shirka madaxda labada dal kadib ay saxaafadda la hadleen Wasiirada arrimaha dibadda Ethiopia Workneh Gebeyehu iyo dhigiisa Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Ra’isal Wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in Ethiopia ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyadoo loo marayo wadahadal iyo is-faham.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in tan iyo markii Abiy Ahmed loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uu ku guulaystay inuu bedelo muuqaalka siyaasadeed ee gobolka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON