Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay in lacag gaarayso $73 milyan oo Doolar ugu deeqayso Soomaaliya, taasoo isugu jirta gargaar iyo horumarin.
Safiiradda Jarmalka ee Soomaaliya Annett Gunther ayaa lacagta deeqda ah uga dhawaaqay xaflad lagu maamuusayay midowgii labada Jarmal oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas ay ka qayb galeen madax ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.
“Deeqdan wuxuu Jarmalku ku taageerayaa Soomaaliya, wuxuuna sara u usii qaadi doonaa taageeradiisa horumarineed iyadoona lacagtani ay Soomaaliya wax badan ka caawin doonto labada sano ee soo aadan” ayay tiri safiiradda Germany ee Somalia.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda soo dhoweysay lacagtan ay ugu deeqday dowladda Jarmalka, iyadoona; Dowladda Jarmalka ay ka mid tahay dowladaha Midowga Yurub ee Soomaaliya ka taageero dhinacyo badan.