Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Jarmalka oo Malaayiin Doolar ugu deeqday Mashaariic laga fulinayo Magaalada Muqdisho [Sawirro]

Waxaa magaalada Muqdisho maanta laga furay wejiga koowaad ee Mashruuc dib loogu dhisayo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay fulineyso dowladda Jarmalka.

Mashurucan ayaa la sheegay inuu ku bilaaban doonaa dhismaha 19 waddo oo laga hirgelin doono Degmooyinka Xamarweyne, Shingaani, Cabdicasiis, Xamar-jajab, Hawlwadaag, Boondheere iyo Wardhiigley ta Nabada iyo barnaamijyo qeyb ka qaadanaya shaqo abuurka dhalinyarada ayaa waxaa daah furkiisa qeyb ka ahaa Safiirka Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Marwo Jutta Gisele Frasch.

Daahfurka wejiga koowaad ee mashruuca waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud, Wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo Duq Magaalada Muqdisho. Yariisow ayaa bogaadiyey khubarada iyo howlwadeenada Dawladda Hoose ee Muqdisho sida ay ugu guuleysteen fulinta diyaarinta Mashruucan, isagoona tilmaamay in uu fursado shaqo u yahay dhallinyarada, Haweenka, Barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan gobolka Benaadir.

“Mashruucan wuxuu waafaq-sanyahay aragtideenna ku aaddan in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada iyo horumarinta koboca dhaqaaalaha magaalada Muqdosho. taasoo fududaynaysa isu socodka, adeegyada iyo isedhexgalka bulshada.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo uga mahadceliyey dawladda Jarmalka kaalmada iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON