Monday, June 30, 2025

Dowladda Mareykanka oo Farmaajo iyo Golaha Shacabka ka dalbatay inay baabi’iyaan Muddo kororsigii

Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay inay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya inay baabi’iyaan muddo kororsigii ay ku dhawaaqeen 12-kii April.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu bogaadiyey go’aankii ay muddo kordhinta uga hor yimaadeen Ra’iisal wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleeyada dalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu Mareykanka si dhow u eegayo ballanqaadkii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee 28-kii April oo ku aaddanaa inuu dib ugu laaban doono heshiiskii doorashada ee Sebtember 17, isla markaana uu si dhakhso leh dib u billaabayo wadahadalkii hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo baarlamaanka inay si deg deg ah uga howl-galaan baabi’inta hindise sharciyeedkii muddo kordhinta ee 12 April.” ayaa lagu yiri War saxaafadedka Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Mareykanka ayaa soo dhaweeyay, islamarkaasina bogaadiyay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo hoggaamiyayaasha maamullada ee diiday muddo kordhinta ay ku dhaqaaqeen Maxamed Farmaajo iyo Golaha Shacabka.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya inay si degdeg ah u kulmaan, si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay, lana qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17.” ayaa ka mid ahaa qoraalka.

Mareykanka ayaa ugu yeerey hoggaamiyayaasha siyaasadda inay danta Soomaalida darteed meel iska dhigaan rabitaankooda siyaasadeed iyo kala fikir duwanaanshiyahooda, ayna si daacad ah oo tanaasul iyo shuruud la’aan u wada hadlaan.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ugu baaqay ciidamada Soomaaliya iyo kooxaha kale ee hubeysan inay dib u gurtaan oo ay oggolaadaan in wadahadallada siyaasadeed ay dib ugu bilowdaan jawi ka caagan rabshado iyo cagajugleyn.

“Rabshadaha oo sii socda ayaa waxay noqon doonaan kuwa uun kaliya u adeega inay xaaladda uga sii darto” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON