Tuesday, July 1, 2025

Dowladda Mareykanka oo ku dhawaaqay inay Soomaaliya ka taageerayo qabashada Doorashada

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay soo dhaweyneyso tallaabadii ay shalay qaadeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, taas oo si rasmi ah dib loogu noqday heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020.

Dhinaca kale Dowladda Mareykanka waxay shaacisay inay diyaar u yahay sida ugu dhaqsaha badan inuu gacan ka geysto qabashada doorashooyinka Soomaaliya oo taageero bixiyo, sida lagu yiri Bayaanka Wasaaradda Arrrimaga dibadda Dowladda Mareykanka.

“Waxaan boogaadineynaa ku dhawaaqistii Madaxweynaha ee aheyd in Ra’isul Wasaare Rooble uu hoggaamin doono dadaallada dowladda Federalka ee ku aaddan dhameystirka heshiiska iyo kor kala socoshada hirgalinta howlaha doorashooyinka oo ay ku jirto diyaarinta amniga” ayaa ka mid ahayd qoraalka ka soo baxay xafiiska afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price.

Waxaa loogu baaqay dhinacyada uu ka dhexeeyo heshiiskan inay si degdeg ah u kulmaan, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin wadahadalka, si loo dhameystiro qaban-qaabada doorshada, loona billaabo dhaqangalinta wadashaqeyn daahfuran.

Aqlaka hoose ee Golaha Shacabka shalay oo sabti aheyd kal laabtay go’aankii 12-kii April ay muddo laba sano ah ugu kordhiyeen hay’adaha dowladda Federaalka, kaas oo ay ugu yeereen jiheynta doorashada dalka.

Muddo kordhintan ayaa dhalisay muran siyaasadeed iyo cabsi dagaal, waxaana ka horyimid maamul Goboleeyada Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharraxiinta, Xisbiyada Mucaaradka iyo Guddoonka Aqalka Sare iyagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaana markii dambe diidmada muddo kororosiga ku soo biiray madaxda maamul goboleeyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON