Friday, April 19, 2024

Dowladda Mareykanka oo sii xoojisay Go’aankii Midowga Afrika. “Madaxda Soomaalida waa inay si degdega..”

Qeybta Afrika ee Wasaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Mareykanka ayaa si buuxda u taageertay go’aankii kasoo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kororsiga Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyay dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyadoo madaxda Soomaalida loogu baaqay inay heshiis degdega ka gaaraan Doorashada.

“Waxaan taageersanahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay usbuucii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya. Waan soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka Qeybta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Ad

“Waxan ku boorrinayaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah isku raacaan qaab hore loogu socdo oo lagu xalliyo xiisadda doorashada” ayaa lagu soo gabagabeeya Qoraalka kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON