Goormee Mareykanku ku dhawaaqi doonaa Liiska Madaxda iyo Siyaasiyiinta Soomaalida ee xayiraadda la saaray
Dowladda Mareykanka ayaa balaarisay liiska shaqsiyaadka siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaida ah ee ay kusoo rogtay xayiraadda socdaalka, kadib markii uu fuli waayey jadwalkii ugu danbeeyay ee doorashada 2022.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykank ayaa lagu yiri: “Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay buuxiso waqti kale oo qabsatay oo ku ekaa 15-ka Maarso in lagu soo dhameystiro hannaanka doorashada Baarlamaanka, Mareykanka ayaa waxaan kordhinay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu soo rogay xayiraadda fiisaha”.
Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa caddeysay in ay qaadatay tillaabadan, iyadoo la raacayO go’aankii ay ku dhawaaqday dhawaaqay 8-dii Febraayo, xayiraadda ayaa hoos imaaneysa Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si loo xaddido bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ay carqaladeynayaan. ee lagu wiiqayo hannaanka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.
“Iyadoo horumarro dhiirigelin leh la sameeyay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, haddana waxaa weli jira in ka badan soddon kuraas baarlamaanka ah oo aan la buuxin. Waxaa sii socda warbixino lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan khaladaadka habraaca. Saxafiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ah ee ka shaqaynaya inay taageeraan hay’adaha dimuqraadiga ah iyo hababka daah-furnaanta ayaa lala beegsaday cagajugleyn, cagajugleyn, xarig iyo rabshado” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Mareykanka.
Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto qiimeynta tallaabooyin dheeri ah oo salka ku haya siyaasadda kor ugu qaadista isla xisaabtanka oo a lagu taageerayo soo gabagabeynta degdegga ah ee hannaanka doorashada Soomaaliya si lagu kalsoonaan karo oo hufan.
Mareykanka ayaan weli shaacin magacayada madaxda iyo siyaaasiyiinta Soomaalida ee uu saaray xayiraadda socdaalka, waxaase la sheegay in xubnahan farriimo lagu gaarsiiyey tallaabadan.
Magacyada siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaalida ee Mareykanku ku eedeeyay carqabaleynta Doorashada iyo nabadaa ayaa lagu wadaa in la shaaciyo marka ay dhammaato Doorashada dadban.
