Sunday, July 6, 2025

Dowladda Masar oo Golaha Ammaanka geysay Qaraar ku saabsan Magaalada Qudus [Trump oo laga…]

Dowladda Masar ayaa Golaha Ammaanka Q/Midoobay u gudbiyey Qaraar qabyo ah oo ku saabsan xaaladda magaalada barakeysan ee Qudus.

Qaraarkan qabyada ah ayaa qoraya inaysan wax ka soo qaad lahayn go’aanada ay magaaladaasi ka qaataan dalal gaara, sharci darrana ay noqonayaan in  hal dhinac uu go’aan ka gaaro mustaqbalka magaalada Qudus.

Arrinan ayaa jawaab u ah go’aankii uu iskiis u shaaciyey madaxweynaha Mareykanka oo Magaalada Qudus ku sheegay caasimadda Israa’iil. Dowladda Masar oo soo jeedisay qaraarkan ayaa la filayaa in Mareykanku ka hor yimaado.

Qaraarkan qabyada ah ee loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqaya dhammaan dalalka kale in ay ka dheeraadaan in ay safaaradahooda ka samaystaan magaalada Qudus.

Dublamaasiyiinta ayaa sheegaya in qaraarkani uu haysto taageerada inta badan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna sharci ku noqon karaa inay taageeraan 9 dal oo ka mida golaha Ammaanka, isla markaana aan loo adeegsan codka diidmada qayaxan ee VETO.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON