Sunday, July 13, 2025

Dowladda Shiinaha oo Gaadiid iyo Qalab Milatari ku wareejisay Ciidamada Somaliya (Sawirro)

Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horeysay Gaadiid iyo Qalab milatari ugu deeqday ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira ururka Alshabaab ee hoos taga Al-qaacida.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyo xubno kalle ayaa maanta ka qeybgalay xaflad ka dhacday Dekedda Muqdisho oo lagu Shiinaha Gaadiid iyo Qalab mileteri soo gaarsiiyey Milatariga Soomaaliya.

Deeqda milateri ayaa ka koobneyd Gaadiid iyo Qalab ciidan, waxaana Safiirka Shiinaha kala wareegay Taliyaha ciidamada iyo madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in dowladda China ay hore gaadiid ugu fidisay ciidanka xoogga dalka, isla markaana uu qeyb weyn ka qaadan doono la dagaalanka argagaxisada Al shabaab.

Deeqda Milateri ee Shiinaha ayaa ka kooban 20 Gaadiid oo isugu jira, kuwa ciidamada lagu qaado, Booyado iyo Gaadiidka Gargaarka degdegga ee Milateriga adeegsado. Munaasabadda wareejinta Gaadiidka Milateriga waxaa ka hadlay safiirka Shiinahaee soomaaliya Fei Shengchao.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON