Dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay cudurdaar ay Itoobiya ka bixisay khariirad lagu faafiyey Bogga Wasaaradda Arrimaha Itoobiya ee muranka badan dhaliyey.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inay dowladda Ethiopia kala hadleen sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu ku daabacday website-keeda, iyadoo markii danbe ay ka saartay markii dood badan ka dhalatay oo Soomaali badan ay baraha bulshada ku dhaiileen.
Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in isla markii ay ka war heleen khariidadda la soo daabacay ay xiriir la sameeyen dowladda Ethiopia, xiriirkaasi kaddibna Ethiopia ay ka saartay sawirka khariiradda website-kooda, sida uu yiri, iyadoo wasaaradda Arrimaha dibedda Ethiopia ay cudurdaar ka siisay Soomaalia khaladka, sidoo kalena ay wadaan baaritaan la xiriira sababta ay arrintaas ku dhacday.
Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo u warramay VOA ayaa caddeeyay inay aqbaleen cudurdaarka Ethiopia ay khaladkaas ka bixisay oo ay aaminsan yihiin in falkaasi aanu ula kac ahayn.