Tuesday, July 1, 2025

Dowladda Somalia oo la wareegtay dhismaha Maamulka Cusub ee Galmudug? [Akhriso War-murtiyeedka Shirkii Dh/mareeb]

War-murtiyeedka laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta Galmudug ee xalay uu magaalada Dhuusomareeb ku soo xiray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la shaaciyey iyadoo qodbadii kasoo baxay ay durba ka hor yimaadeen siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda Galmudug.

Warmuriyeedka oo ka koobnaa saddex Bog ayaa waxaa ku jira qodobo adag oo ka hadlaya in odoyaasha dhaqanka wax laga bedelayo, habraacyo iyo shuruudo adag oo dowlada Federaalk ay sameyneyso, khaladaad hore u dhacay oo dib loo saxayo.

Qodobka 7aad ee War-murtiyeedka iyo baaqa shirka kasoo baxay oo farta lagu fiiqayo ayaa dowladda Soomaaliya siinaya awoodda habka xulista xildhibannada cusub ee Galmudug iyo inay shuruudo adag u dhigto musharixiinta xilka Madaxweynaha cusub iyo madaxweyne ku xigeenka Galmduug, iyadoo aan lagu xusin wax kaalin ah oo ay ku leeyihiin maamulka Galmudug iyo Odayaasha.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON