Thursday, June 26, 2025

Dowladda Somalia oo ogolaatay inay Kenya ku taageerto helista Kursiga Golaha Amaanka ee Q/Midoobay

Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay Soomaaliya ka taageereyso qabashada Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Sida ay shaacisay Madaxtooyada Kenya kulan wada yeesheen madaxweynayaasha labada dal ee Uhuru Kenyatta iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay ka dhacay xarunta Nairobi ayay dowladda Soomaaliya sheegtay inay Kenya ku taageereyso sidii ay u heli lahayd Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka.

Kenya ayaa olole ugu jirta inay ka mid nqoto 10-ka dal ee aan joogtada ahayn Golaha ammaanka oo labadii sano ee kasta laga soo xulo qaaradaha kala duwan, waxaana Afrika sanadka 2018 u metela dalalka Itoobiya, Côte d’Ivoire iyo Equatorial Guinea.

Kenya ayaa hore golaha ammaanka uga mid noqotay laab jeer oo kaal ah sanadihii: 1973 – 1974 , iyo 1997 – 1998.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON