Sunday, July 13, 2025

Dowladda Somalia oo War kasoo saartay Duqeyn lagu dilay 37 ka tirsan maleeshiyada Alshabaab [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duqeyn ka dhacday Gobolka Mudug oo diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen, kadib war qoraal ah oo kasoo baxay taliska AFRICOM.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Alshabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

“Ciidamada Qaranka oo taageero Ka helay Ciidamada Maraykanka ayaa weerar qorshaysan Ka fuliyay fariisimo Alshabaab Ku lahaayeen Gobolka Mudug. Hawlgalkaan oo dhacay saaka waabarigii ayaa Daba socday weerar kale oo isla shalay Ka dhacay isla nawaaxigas.

Goobta uu hawlgalku Ka dhacay waxeey Ka tirsantahay Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug. Alshabaab ayaa saldhigaan Ka abaabulayay Weeraro Ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed waxaana loo gaystay waxyeelo baahsan oo lagu Kala dhantaal qorshahooda gurracan.

Weerarkaan waxaa Ku dhafwaayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan shabaab mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Tani waxeey muujinaysaa sida Ciidamada Qaranku awood ugu leeyihiin in ay Ku beegsadaan shabaab goob kasta oo ay Ku suganyihiin iyo sida kooxdu ay ugu nugushahay in talaabo looga qaado goobkasta oo Ka Ku dhuumaalaysanayaan.

Dawladda soomaaliya waxaa Ka go’an in ay Ka hor istaagto argagixisada in ay waxyeeleeyaan Bulshada Soomaaliyeed waana taas sababta loo joogtaynayo hawlgalada nuucaan ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON