Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa warar is-khilaafsan oo kala duwan kasoo saartay diyaaradaha tegaya magaalada Kismaayo oo hore xayiraad loo saaray, waxaana lagu dhawaqay in la fasaxay.
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq Cali shaaciyey in dowladda Somaliaay fasaxday duulimaadyadii rayidka ahaa ee tega magaalada Kismaayo, kadib sida uu sheegay codsi uga yimid dadka shacabka ah ee magaalada Kismaayo.
Warka wasiir ku xigeenka ayaa ka horjeeda hadal kasoo baxay Maareeyaha Hey’adda Duulista Hawada oo isna sheegay in dowladda wax xayiraad saarin duulimaadyada Kismaayo, balse ay ku amreen diyaaradaha inay fasax soo weydiistaan 24 saac ka hor.
Wararka ayaa sheegaya inay weli xayiraad saaran tahay siyaasiyiinta doonaya inay tagaan magaalada Kismaayo si looga hor istaago inay ka qeyb galaan caleemo saarka madaxweynaha dib u doorashadiisa muranka ka taagan yahay ee Axmed Maxamed Islaam.