Dowladda Somalia aya warbixin hordhac ah kasoo saartay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee 24-ka July 2019 lagu qaaday xarunta G/banaadir oo lagu dilay mas’uuliyiin gaaraya 10 oo uu ka mid noqday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha oo tixraacaayey warbixin baariseed hordhac ah oo ay sameeyeen Hay’adaha Amniga ee DFS kuna saabsan qaraxii ka dhacay Xaruunta Dowladda Hoose ee Xamar 24/07/2019, waxay Wasaaradda Amnigu la wadaagaysaa Bulshada Soomaaliyeed sida soo socota:-
Ugu horayn, Dowladda Soomaliyeed waxay tacsi u diraysa intii ku dhimatay, sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajaynaysa intii ku dhaawacantay falki foosha xumaa ee ka dhacday Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar.
Dowladda Soomaliya ayaa cadaynaysa falkaasi in uu ahaa dhibato loogeestay Shacabka Soomaliyeed.
Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen Hay’adaha Amniga ayaa lagu ogaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah oo Dumar ah; kana shaqaynaysay Dowlada Hoose ee Xamar, ayadoo kaalmo ka heleysay ruux kale oo Dumar ah oo ku qornaa kaaliye, shaqaalana ka ahayd Xaruunta Dowladda Hoose.
Labada gabdhood ayaa baaritaanku cadeeyey in aan la dhameystirin hubintii loo baahnaay markii la shaqaaleysiinaayay.
Sida lagu ogaaday baaritaanka, labada gabdhood ayaa fasaxyo isku dhow oo Bil gudeheeda ah wada qaatay, iyadoo xogta qaar ay tilmaamtay in ay tageen goobo ay maamulaan Argagixisada.
Nafteed haligtaha ayaa si qaldan ugu tagri fashay caadifaddii ay u hayeen madaxda iyo dadka ay la shaqeynaysay, maadaama ay ka mid aheyd dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Uga dambeyn, waxaan Bulshada Soomaliyeed la wadaagaynaa mar labaad in falkaas Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose loo soo qab qabtay dad lagu tuhunsanyahay in ay ku lug yeelan karaan falkaas, lana hor gaynayo Hay’adaha Garsoorka ee ku shaqada leh.
Warbixinta hordhaca ah ayaan lagu magacaabin labada haween, laakiin waxaa la xaqiijiyey in qofka is qarxisay ay tahay madaxii dadka naafada ah ee G/Banaadir Basiiro Cabdi Maxmed, iyado haweeneyda kale ee kaalmeyneysay lasoo weriyey inay baxsad tahay.