Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay Qoraal ku saabsan Doorashada Dowlad Goboleedka Jubaland.
Qoraalkan oo tixraacayey Go’aano hore oo Wasaardu kasoo saartay Doorashada Jubbaland ayaa lagu sheegay saddex qodob oo lagu caddeeyay in habraaca loo maray xulista liiska Odayaasha dhaqanka aanu waafaqsaneyn diiwaanka Odayaasha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo inaan sharci loo marin xulista Baarlamaanka Jubbaland.
Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in doorasho kasta oo loo marin hab raacyada wasaaradda Arrimaha Gudaha ay tahay sharci darro aanay waxba ka jirin,
HOOS KA AKHRISO

