Monday, July 14, 2025

Dowladda Somaliya ka digtay in lala macaamilo xubno uu xayiraad saaray Mareykanka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay tallaabada ay dowladda Mareykanka xayiraada ku saartay shakhsiyaadka dhinaca Dhaqaalaha iyo Saadka Alshabaab ee ka tirsan kooxda Al Shabaab.

“Laamaha kala duwan ee dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa la farayaa inay ka fogaadaan la macaamilka iyo wadashaqeynta shakhsiyaadkan dembiileyaasha ah ee ku xusan liiskan cunaqabateynta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadan ayay dowladda Mareykanka qaaddey markii baaritaano ay si wadajir ah u wadeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxayna qeyb ka tahay dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada .

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON