Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Somaliya oo Go’aan Dhexdhexaad ah ka qaadatay colaadda ka dhex aloosan Somaliland & Puntland

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa war cad kasoo saartay xiisada colaadeed ee ka dhex taagan maamullada Somaliland iyo Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg loo jiijiyo colaadda ka taagan aagga Tukaraq ee Gobolka Sool, waxayna baaq u dirtay Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

Baaqa dowladda oo aanay cidna ku saxiixneyn ayaa si dhexdhexaadnimo ah loogu diray labada dhinac xilli uu madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay degaanada Puntland, iyadoo aan cidna ku cambaareyn weerarka Somaliland ku soo qaaday aagga Tukaraq, waxaana lagu sheegay in guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto.

Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON