Sunday, June 22, 2025

Dowladda Somaliya oo shaacisay inay Alshabaab ka xayirtay 7 Milyan Dollar iyo 110 Akoon

Warsaxafadeed lasoo baxay dowladda Fedderaalka Soomaaliya oo aan sumad lahayn hay’ad gaar ahna ku saxiixneyn ayaa lagu sheegay inay dowladda ku guuleysatay xayiraadda lacag gaaraysa 7 Million Dollar, 670 taleefan lambaro iyo 110 akoon.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in iyadoo la dhaqan gelinayo Sharciga ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, ay tallaabadan qaaday dowladda Federaalka, iyadoo 110-ka Akoon ee la xiray ay yihiin kuwa Ganacsi (Merchant Accounts) oo Alshabaab u adeegsan jirtay handadaada, uruurinta iyo keydinta lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii wado dagaalka curyaaminta Maaliyadeed ee ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna uga mahadcelinaysaaa ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed sida joogtada ay ula shaqeeyaan Dowladda” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Ad

Qoraalka waxaa loogu digay ganacsatada iyo bulshada inaysan ogolaanin in ay bixiyaan lacagaha Baadda ah oo Khawaarijtu ay u adeegsadaan in ay ku dhibaateeyaan Umadda Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON