Wednesday, October 5, 2022

Dowladda Somaliya oo shaacisay inay Howlgal milateri ku dishay 43 Alshabaab ah

War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal milatari oo ka dhacay Gobolka Hiiraan in lagu dilay ilaa 43 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay in ka badan 43 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ku dileen degaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhinaca Bari kaga beega xiga degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

“Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay labadii habeenimo ee saq dhexe dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii ogaa xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Ad

Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka ay Ciidanka XDS ka sameeyen deeganka Aboorey oo 25km u jirta Degmada Bulabarde ay ku dileen 43 ka mida argagixsada Alshabaab oo ay ku jiraan hoorjoogayal lagu kala magacaabo Maxamed Nasal iyo ilkacase.

Deegaanka Abooreey oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka xoogga dalka ayaa ahaa goob muhiim u ahaa marinka Alshabaab ay isaga kala gudbi jireen deegaanada bari iyo qaybaha kale ee dalka.

Dagaaladii ugu danbeeyay ee ciidanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay la galeen Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 150 dhagar qabeyaal Al-Shabaab ah, waxaana laga saaray deegaanno badan oo Argagixisadu ay ku gumaadi jireen shacabka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,001FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,002FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON