Dowlada Soomalaiya ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Gorof ee gobolka Gagaduud, kuna dileen in ka badan 50 ka tirsan Khawaarijta Alshabaab.
Qoraal kasoo baay Wasaradda Warfafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay khawaariijtu ku lahaayeen degaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka khawaarijta ee lagu dilay howlgalka.
“Dhinaca kale Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab”.” ayaa lagu yiri Qoraalka xukuumadda soo saartay.
Diyaaradaha Mareykanka ee Drone oo fuliyey duqeymaha kaa dhacay Galgaduud iyo Sh/Dhexe ayaa la filayaa in Taliska AFRICOM uu war kasoo saaro, inkastoo qoraallada Africom iyo Dowladd Federaalka ay inta badan kala duwan yihiin.
