Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay go’aan adag oo lama filaan ah ka qaadatay kiiska C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).
Xogta Goobjooge heshay ayaa sheegeysa in shirka Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee xilligan ka socda xarunta Madaxtooyada laga soo saarayo go’aan ku saabsan in Sarkaalka ONLF ka tirsanaa ee Qalbi dhagax uu halis ku ahaa ammaanka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.
Go’aanka Qalbidhagax loogu gacan geliyay Itoobiya ayaa loo cuskaday heshiis dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen oo ay gashay dowladii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo ka dhacay magaalada Jigjiga.
War-saxaafadeed lagu wado inay shaaciyaan Golaha Wasiirada kadib shirkooda degdegga ah ee maanta ayaa la sugayaa in lagu shaaciyo go’aanka rasmiga ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Qaar ka mida xubnaha golaha wasiirada ayaa la sheegay inay dood kulul ka keeneen arrintan iyagoo kiiska Qalbi dhagax, waxaana weli madaxda iskula jira wasiiro la qancinayo iyagoo go’aanku hore u diyaarsanaa.
Saxafiyiinta ayaa sugaya war-saxaafadeedka kasoo bixi doona shirka Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
AKHRISO: Qodobaddii ay ku heshiiyeen Wasiir Mahad Salaad & Dowlada Itoobiya [XASAASI]