Sunday, July 27, 2025

Dowladda Soomaaliya oo la safatay Boqortooyada Sacuudiga [Qoraal ka soo baxay Wasaaradda A/Dibadda]

Dowladda Soomaaliya ayaa ayaa si weyn u difaacday, lana safatay Boqortooyada Sacuudiga oo wajaheysa cadaadis ka dhashay saxafiga lagu waayey Qansuliyadda dalkaasi ee magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Qoraal degdeg ah oo kasoo baxay Wasaraadda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay maanta in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay mar kale caddeyneyso mowqifkeeda joogtada ah ee ay ku taageereyso xasiloonida iyo qaranimada dalalka Carabta, iyagoo garab taagan walaalaheed Boqortooyada Sacuudiga.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Waxaan si buuxda u garab taaganahay Boqortooyada aan wallaalaha nahay ee Sacuudiga, inagoo ka horjeedna cid waliba oo isku dayeysa inay waxyeeleyso sumcadeeda ama ay dhibaato u geysato kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale..”

Arrintan ayaa ka dambeysay iyadoo dalalka Carabta ay intooda badan Sacuudiga ka dalbatay inay taageero diblomaasi u fidiyaan xaalada adag ee ka soo wajahday Turkiga iyo kiiska loo heysto ee saxafiga Jamal Kashoqgi, waxaana saacadihii ugu danbeeyay bayaanno noocan oo kale ah soo saaray dalal badan oo Carbeed.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON