Friday, June 27, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Wasiiradii ugu badnaa u dirtay Boqortooyada Sacuudiga [Akhri sababta]

Dowladda Soomaaliya ayaa wafdigii ugu balaarnaa oo ka kooban wasiiro u dirtay Boqortooyada Sacuudiga.

Wafdiga ayaa ka kooban lix wasiir iyo madax ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo Sacuudiga u tegaya inay ku saxiixeen heshiisyo iskaashi iyo mashaariic Sacuudigu maalgelinayo oo laga fulinayo Soomaaliya.

Wasiiradan oo hore loo qorsheeyay inay 10 wasiir noqdaan ayaa la dhimay tiradooda kadib markii uu soo dhex galay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. Diyaarad gaara oo dowladda Sacuudiga u soo dirtay wafdigan ayaa garoonka Muqdisho maanta ka qaaday wafdiga wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Lacag ku dhow 4 Bilyan oo doolar ayay dowladda Soomaaliya weydiisatay Sacuudiga, iyadoo lagu fulinayo mashaariic kala duwan, waxaana arrintan ay ku soo beegantay iyadoo uu khilaaf diblomaasiyadeed ka dhex qarxay dowladaha Khaliijka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayay dowladda Soomalia ku sheegtay inay ka xun tahay khilaafka dalalka Khaliijka, waxayna mowqif dhexdhexaad ah ka istaagtay arrinta ka dhex taagan dalalka Qatar iyo Khaliijka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON