Dowladda Suudaan ayaa shaacisay in Maleeshiyo hubeysan oo Itoobiyaan ah oo ay taageerayaan Ciidamada dalkaasi ay ku xadgudbeen, weerarna ku qaadeen dalka Suudaan.
Afhayeenka ciidamada Suudaan Caamir Maxamed Alxasan ayaa sheegay in maleeshiyada Itoobiyaanka iyo ciidamada dalkooda ee taageerayey ay dileen sarkaal ka tirsan ciidamada Suudaan iyo canug yar, ayna dhaawaceen saddex askar iyo shacab isugu jira degaanka Baraka ee Bariga dalka Suudaan.
Suudaan waxay sheegtay in labadii maalmood ee ugu danbeysay ay ciidamada Itoobiya oo taageeraya maleeshiyo xuduudka labada dal degan ay ku duuleen Suudaan iyagoo weerarray mashaariic beero oo degaankaasi ku yaalla.
Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya, kuna saabsan eedeynta ka timid dalka Suudaan, iyadoo labada dal ay hore uga dhaxeysay xiisadda Biyaha Webiga Nile ee ay isku hayaan Masar, Suudaan iyo Itoobiya.
